Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida maamulka Galmudug magaalada Dhuusa-Mareeb ku qabteen gaari hub badan ay saarnaayeen.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen kontorool ku yaala duleedka magaalada ay ku soo qabteen hub la sheegay in loo waday Kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha ayaa sheegay in hubkan hadda lagu hayo xarun ay leeyihiin ciidamada nabad Sugida, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo loo soo bandhigo Saxaafada.
Taliska ciidamada nabad Sugida Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in hubka lagu qabtay gaari Homy, kaasoo ku sii jeeda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Waxaa ay hadalkooda intaasi ku sii dareen in hubka ay qabteen laga keenay gobolka bari, iyadoo lala soo gudbay kontoroolo badan, balse la dhaafin waayay Magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo si adag gaadiidka loogu baaro.
Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ninkii waday gaariga la qabtay, ayaa su’aalo ka weydiinaya halka lala damacsanaa in lagu weeraro hubkaasi iyo cida u soo dhiibtay.











