Xarakada Al-shabaab Hub Lasheegay In Loo Wadey oo La Qabtey iyo Nuucyada uu Ka koobanyahey.

0
575

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida maamulka Galmudug  magaalada Dhuusa-Mareeb ku qabteen gaari hub badan ay saarnaayeen.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo ay ka  sameeyeen kontorool ku yaala duleedka magaalada ay ku soo qabteen hub la  sheegay in loo waday Kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in hubkan hadda lagu hayo xarun ay leeyihiin ciidamada nabad Sugida, waxaana la filayaa  in saacadaha soo socdo loo soo bandhigo Saxaafada.

Taliska ciidamada nabad Sugida Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada  Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in hubka lagu qabtay  gaari Homy, kaasoo ku sii jeeda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa  ay hadalkooda intaasi ku sii dareen in hubka ay qabteen laga keenay  gobolka bari, iyadoo lala soo gudbay kontoroolo badan, balse la dhaafin  waayay Magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo si adag gaadiidka loogu  baaro.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ninkii waday gaariga  la qabtay, ayaa su’aalo ka weydiinaya halka lala damacsanaa in lagu  weeraro hubkaasi iyo cida u soo dhiibtay.