Duleedka Magaalada Afgooye oo Ciidamada Dawladda iyo Kuwo Mareykan ah Weerar Ku Qaadeen.

0
609

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanka Baladul-amiin ee duleedka Degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda oo garab ka heleya saaxiibada taageera ayaa weerar qorsheysan waxay ku qaadeen deegaankaas.

Ciidamada ka tirsan kumaandooska dowladda Soomaaliya  iyo kuwa Mareykanka ah ayaa la  sheegay in ay labo diyaaradood ay ku tageen deegaanka, iyaga kadib weerar  dhanka dhulka ay ku qaaday Saldhigyo Al Shabaab ku leeyihiin  deegaankaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa  sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday deegaanka Baladul Amiin in  Al-shabaab khasaare lagu gaarsiiyay, loogana dilay saraakiil iyo ciidamo  la socda oo  ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa Mareykan ah  ayaa dhowr mar waxa ay weeraro ku qaadeen saldhigyo ay lahaayeen  Al-shabaab,kuwaas oo la sheegay inay bur buriyeen saldhigyo ay  lahaayeen.