Dib U Eegid Lagu Sameeyo Kabixitaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya oo Dawlada Burunri Dalbatey Shir Looga Hadlayo.

0
678

Dowladda Burundi ayaa dalbtay kulan deg deg ah oo ay ka soo qeybgalaan dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya kaa looga arinsanayo qorshaha la xiriirka ka bixitaanka ciidamada AMISOM Soomaaliya.

Baaqa Burundi ayaa soo baxay kaddib booqasho labo cisho qaadatay uu madaxweynaha dowladda Soomaaliya ku tagan magaalada Bujunbura isaga oo halkaa kulan kula yeeshay dhiggisa dalka Burundi.

Pierre Nkurunziza madaxweynaha Burundi ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo go’aanka 1, 000 ka mid ah ciidamada Burundi dib looga soo saarayo Soomaaliya, isaga oo sheegay in xitaa dadka Soomaaliyeed aysan go’aankaa ku faraxsaneyn.

Dhamaadka bishan ayaa la qorsheynayaa in illaa 1,000 askari oo ka socda Burundi laga saaro Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah halka ay ka howlgalaan, waxaana arrintaas walaac ka muujiyay Maamulka Hirshabeelle.

Qorshan lagu dhimayo ciidamada Burundi ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa cabasho xoog leh ka keenay maamul gobolleedka Hirshabeelle oo ka arimiya meelaha la sheegay in laga soo saarayo ciidamadan.