Toddobo ilmood oo la rumaysan yahay in ay isku qoys yihiin ayaa ku dhintay, dab subixii hore qabsaday guri ku yaalla magaalada Halifax ee dalka Canada, sida ay booliisku sheegeen.
Nin iyo haweenay ayaa ku dhaawacmay dabkaas oo kacay 01:00 saqda dhexe ee saacadda Canada Talaadadii.
Dab damiska ayaa bakhtiiyay dabka oo durba dhibaato baaxad leh u gaystay dabaqa labaad ee dhismaha.
Booliisku ma aysan shaacinin magacyada dadka dhintay, balse warbaahinta CBC ayaa ku warrantay in guriga gubtay ay daganaayeen qoys Suuriyaan ah.
Qoyska ayaa Canada daganaa ku dhawaad sannad iyo bar, muddo lagu qiyaasay lix bilood ayayna daganaayeen Halifax, sida uu BBC-da u sheegay Imaan Cabdalla Yuusri.
Wuxuu sheegay in qoysku ay tageen masaajidka Ummah, halkaas oo aaska laga qabanqaabin doono.
Yuusri ayaa sheegay in ilmaha ugu da’yaraa ee dabka ku dhintay uu jiray afar bilood kan u waynna uu 15 jir ahaa.
Ururuka arrimaha qaxootiga ka shaqeeya ee Halifax oo maalgaliyay dib u dajintooda ayaa qoraal ay bartooda Facebook soo dhigeen ku tilmaamay in qoyska dhintay ay yihiin Barho.
Dhaawaca aabaha soo gaaray ayaa lagu sheegay “mid halis ah” xaaladdiisu aad ayay u culustahay, Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay hal saac ku qaadatay in dabka la xakameeyo.
Dad badan oo deegaanka ah ayaa dawladda wacay si dab damisku ay u soo gaaraan.
Dhismaha oo laba dabaq ka koobnaa ayaa u muuqda in ay waxyeelo baaxad leh ka soo gaartay dabka.
Masuuliyiinta Halifax ayaa xaqiijiyay in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa dabka dhaliyay, waxayna sheegeen in ay ka hordhicid tahay in hadda la mala awaalo waxa sababay.