Koox hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay ku toogteen xaafadda Siigaale ee degmada Hodan sarkaal ka tirsanaa xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mursal toogteen rag hubeysan oo watay Mooto Bajaaj.
Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in toogashada kaddib ragga weerarka geystay horey u sii kaxeysteen gaari yar oo uu watay marxuumka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ama xafiiska xeer ilaalinta oo la sheegay in uu marxuumka ka tirsnaa.
Dilka Masuulkan Ayaa Waxaa Sheegtey Xarakada Al-shabaab Mana aha Markii ugu Horeysey ee ay Sidan oo kale Gaadmo ku Dilaan Masuuliyiin ka Tirsan Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamadaba.