Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa faah faahin ka bixiyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho.
Gudoomiye ku xigeenka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ku dileen Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ruux bistoolad ku hubeysnaa oo damacsanaa in uu dilo askari balse isagii la dilay.
Waxa kale oo uu ka warbxiyay ruux kale oo uu sheegay in Degmada Yaaqshiid uu ku dilay askari hase ahaatee ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen, waxa uuna bogaadiyay ciidamada amaanka oo uu sheegay in dedaal dheeraad ah ay muujiyeen.
Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadyadii ugu danbeeyayba ka dhacayay dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan loogu geystay Askar iyo shaqaale ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda, Ganacsato iyo dad rayid ah dhamaanna dilalka qorsheysan waxaa geystay kooxo Hubeysan oo aan La Garaneyn.











