Kursi Ka Bannaanaadey Barlamaanka Federalka oo Doorashadiisu Ka Dhaceyso Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG K/galbeed.

0
572

Magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo uu ka geeriyooday xildhibaan lagu magacaabi jiray Khaliif Sheekh C/laahi Dheere .

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa warbaahinta u sheegay in maanta loo balansan yahay in la qabto doorashada xildhibaankii buuxin lahaa kursiga oo ay ku tartami doonaan ilaa Afar Musharax.

Musharixiinta u taagan ama ku tartamaya kursiga ayaa kala ah Isaaq Khaliif Sheekh, C/qadir Shekh Maxamed Nuur, Xasan Macallim Ibraahim, C/laahi Shekh Maxamed

Guddiga Doorashada heer Qaran ayaa horay sidan oo kale u qabtay doorashada kuraas ka bannaaneyd Golaha Shacabka, walina waxaa jira kuraas u baahan in la soo buuxiyay oo siyaabo kala duwan ay u bannaaneey xildhibaannadii markii hore ku fadhiyay.