Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Baydhabo,halkaas oo lagu soo dhaweeyay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo hoggaaminayay wafdi xildhibaanno federaalka ah waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbee,Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka ka tirsan.
Ujeedka socdaalka uu Baydhabo ku gaaray guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga uu hoggaaminayo, waxa uu ku sheegay ka qaybgalka munaasabadda lagu caleemasaarayo madaxweynaha Koonfurgalbeed,Cabdicasiis Laftagareen.
Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka oo u ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay munaasabadda ka qaybgalaan, sidoo kale wafdi ka socda dowlad gobolleedyada ayaa gaaray Baydhabo.











