Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Isgoyska Howlwadaag ku toogtay mid ka mid ah dhalinyarradda ku shaqeysatay gaadiidka yar yar ee Mooto Bajaajka.
Dad ku sugnaa goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkan la dilay Askariga toogashada geystay uu dhaxmaray muran, kaddibna askariga uu rasaas ku furay ka heleeshay qeybaha sare ee jirka.
Dilkaan wiilkaan dhalinyaro ah ayaa imaaneysa xilli maanta ay xiran yihiin qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale askari ka tirsan ciidamada dowladda toogasho ku dilo dhalinyarrada ku shaqeysatay gaadiidka mooto Bajaajka ah oo kuwa ugu badan dilalka kala kulma ciidamada dowladda.
Lama Sheegin In Askeriga Gacan ku Dhiiglaha La Qabtey iyo In uu Goobta Ka Baxsadey Mana Jirto Cid Ka Hadashey oo Dhanka Hay’adaha Amniga Dawladda.











