“Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta ka dhacay banaanka hore ee xarunta madaxtooyada dowladda KMG ah ee Villa-Somalia.
Ilaa 6-qof ayaa lagu soo waramayaa inay qaraxaas ku geeriyoodeen, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 10-qof oo kale.
Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira qaar ay xaaladoodu aad u liidato waxaana durbadiiba loola cararay xarumaha caafimaadka iyo Isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho Ka Howlgala.
Cabdilaahi Xasan Bariise oo ah taliyaha ciidamada denbi-baarista ee Dowlada TFG-da oo waxyar kadib markii uu qaraxaasi dhacay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan sidii ay wax u dheceen .
Sidoo kale waxaa mas’uuliyadda qaraxaasi sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo qaar kamid ah saraakiishoodu ay arintaas warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegeen
Xarakada Al-shabaab ayaa intaas ku daray in weerarkan uu fuliyey nin isasoo miidaamiyey oo ka tirsan ciidamadooda, waxayna sheegeen inay ku dhinteen dad u badnaa askar ka tirsan kuwa Dowlada TFG-da Soomaaliya.
Halka uu qaraxaasi ka dhacay ayaa ah maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taal iridda hore ee madaxtooyda, waxaana xiligii uu qaraxu dhacayey goobtaas ku sugnaa askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada Oo Iayaga kaMid ahaa Dadka Ay Wax Yeeleeyeen Qaraaxaasi.
Qaraxaani ayaa ah qaraxii 2-aad ee noociisa ah ee sanadkan ka dhaca magaalada Muqdisho, horaanta bishii hore ee February ayeyna ahayd markii qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel u dhow Hotel Muna ay ku geeriyoodeen in ka badan 10-qof, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.




