Ra’iisul Wazaare Gaas Oo Kulan La Qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Ku Dhaqan Dalka Swedan

0
1298

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Prof Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas R/wasaaraha Dowladda TFG-da Soomaaliya ayaa kulan balaaran la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden iyada Uu hool weyn oo ku yaalo Magaalada Stockholm ay isugu yimaadeen dadweyne aad u fara badan kuwaas oo si weyn u dhowrayey fariinta r/wasaaraha iyo su’aalo fara badan oo ay weydiinayeen Madaxda Qaranka Oo Ka Midyahay Mr.Gaas.

Wafuudaani Oo Uu HOgaaminayay R/wasaaraha Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Mudane Cabdi wahaab Ugaas Xuseen R/wasaare xigeen ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, iyo Ambasadoor Nuur Xasan Xuseen, iyo xubno kale ayaa waxa ay ugu horeyn dhageysteen khudbadaha xubnihii halkaasi ka hadlay kuwaas oo soo dhawyen iyo hambalyo ka dib halkaasi ku soo bandhigay talooyin iyo dardaaran la xiriiray howlaha dowladda.

Markii aan ka xureynay kooxda Alqaacida Muqdisho maalmo gudahood dhamaan xaafidhii waxa ay ku soo noqdeen sidii ay ahaayeen oo maba la moodeyn in ay burbureen ayuu Yiri Mr.Gaas Oo Ah Ra’iisul wazaaraha Soomaaliya Oo Qudbad KA Jeediyay Kulankaasi,

Dhamaadkii kulankan balaaran ayaa waxaa R/wasaaraha lagu gudoonsiiyey ubaxyo iyo abaal marino kale oo qaali ah iyada oo ka qeybgalayaasha xafladana ay halkaasi su’aalo ku weydiiyeen R/wasaaraha kuwaas oo u badnaa dhinacyada nabadgalyada iyo doorka haweenka iyo dhalinyarada Ay Ku Leeyihiin Nabada Dalka Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Ra’iisul Wazaare Gaas Oo Kulan La Qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Ku Dhaqan Dalka Swedan