Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo laabtay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda iyo xubno ka tirsan goleyaasha wasiirada iyo Baarlamaanka ee DFKG.
Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kamid ahaa madaxdii ka qayb qaatay soo dhoweynta madaxweynaha.
Sidoo kale waxaa xiligii uu madaxweynuhu soo degayey garoonka joogey dadweyne tira badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho si ay soo dhoweyntiisa uga qayb qaataan.
Madaxweyne Shiriif wuxuu kasoo noqday caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-ababa oo uu shalay u kicitimay kadib markii uu casumaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi.
Waxayna soo laabashada Shiriifku kusoo beegmeysaa xilli goor hore oo maanta ah uu agagaarka Villa-Somalia ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo ay dhowr qof ku dhinteen.
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




