Ra’iisul wasaare Gaas Oo Muqdisho Kusoo Laabtay Kadib Safaro Uu Ku Soo Kala Bixiyay Dadalal Badan

0
1154

 Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) 

Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho ka dib safarro uu ku soo kala bixiyey Dalka Rome, Nairobi iyo Djibouti Isagoona Kulamo Xasaasi Aj La Soo Qaatay.

Dr.Gaas Ra’iisul Wasaare ayaa booqasho rasmi ah ku tegey dalka Talyaaniga 29kii Janaayo ilaa iyo 1dii Febraayo ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Dhigiisa Mario Monti Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la soo qaatay Wasiirada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Gaashandhiga iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay inuu Nairobi kula kulmay 3dii Febraayo William Hague Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska Islamarkaana ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen Shirka London ee 23da Febraayo iyo xiriirka labada dal ee Ingiriiska iyo Soomaaliya.

 Sidoo Kalena Waxuuna sheegay in uu u sheegay Dowladda Ingiriiska in Soomaalidu ay aad ugu hanweyn yihiin kana filayaan rajooyin wanaagsan shirka London oo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka sugeyso shirkaas inuu matalo maslaxadda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu kulamo la yeeshay Mudane Ismail Omar Gelle Madaxweynaha Djibouti iyo Dileyte Mohamed Dileyte Ra’iisul Wasaaraha Djibouti ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal

C/wali Gaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Gabagabada Safarkiisa maanta soo maray magaalooyinka Garowe iyo Galka’yo inta aanu iman Muqdisho oo uu madaxda iyo shacabka maamuladaas kala hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa Roadmapka iyo Garowe Principles islamarkaana Xal waarta Looga Heli Lahaaa.