Dagaal Xoogan Oo U Dhexeyey Al-Shabab Iyo Dowldaha Iskaashanaya Ee Kenya Iyo Soomaaliya Oo Maanta Ka Qarxay Duleedka Degmada Badhaadhe

0
558

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Iska Hor Imaad xoogan oo u dhexeeya ciidamada TFG-da Soomaaliya Oo Kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ka qarxay deegaanka Dalaayad oo ku yaal duleeka degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalkan oo ahaa u xoogan ayaa qarxay kadib markii ay ciidamada huwanta ah ee is garabsanayaa weerar ku qaadeen tuulada Dalaayad oo ay xoogaga Al-Shabaab fariisimo ciidan ku leeyihaayeen.

Degmadaasi ayaa Dadweyne aad u tira badan ka barakacay aaga uu dagaalku ka bilowday inkastoo ay inta badan dadkii deegaankaas ku noolaa horay nafsadahooda ugala baxsadeen duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo beryihii u danbeeyey tuulada Dalaayad iyo agagaarkeedaba joogto ka Kaga Dhigteen.

Halka uu dagaalkaasi saaka ka qarxay waa deegaan lagu magacaabo Dalaayad, waxayna qiyaastii 25km dhinaca bariga kaga beegan tahay degmada Badhaadhe Ee Gobolka J/Hoose.

 Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)