Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Col. Khaliif Ciise Mudan Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa Saxaafadda uga warbixiyey qaabkii ay qabashada ninkaasi u dhacday.
Wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanku ay weerareen koox Al-shabaab ka tirsan oo ku shirayey deegaan ku yaal buuraleyda Golis halkaas oo ay ku waaberiisteen xilli arooryo ah.
Col. Khaliif wuxuu intaas ku daray in inta badan raggii goobtaas ku sugnaa ay baxsadeen haseyeeshee qaarka gacanta lagu soo dhigay uu ku jiro Axmed-khayr Siciid Maxamed oo ah nin la dhashay Maxamed Siciid (Atam) Oo Ahaa Hogaamiyihii Hogaaminayay Kooxaha KA Dagaalami Jirtay Halkaasi.
Wasiirka amnigu wuxuu sidoo kale sheegay in ninkaasi uu qirtay inuu yahay mas’uulka kooxahaas u qaabilsan dhinaca miino dhigista iyo sameynta walxaha qarxa sida ugu dhakhsaha badanna maxkamad lagu soo taagi doono islamarkaana la waafajin doono waxa ay ka qabto shareecada islaamka waa sid auu hadalka u dhigay waziirkeee.
Khaliif Ciise wuxuu ugu danbeyntii sheegay in ay jiraan haraadiga kooxihii dowladu dagaalka kula jirtey ee deegaanadaas ku sugnaa oo meelaha qaar ku dhuumaaleysanaya islamarkaana ay ciidamada ammaanku ku raad joogaan islamarkaana ay Gacanta Ku Soo Dhigi Doonaan.
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




