Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka hadlay weerar galinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay Muqdisho oo ay dad badan ku dhinteen ayaa hay’adaha ammaanka faray in la xoojiyo amniga.
Ra’iisul wasaare Khayre , ayaa inta ku daray hay’adaha ammaanka in looga baahantahay dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee tubta amniga iyo cadaaladda.
Dad ka badan konton ruux ayaa ku dhintey weerarka oo lagu bartilmaameedsaday hoteelka caanka ah ee Saxafi iyo xarunta CID-da ee KM4,halka Boqol qof ka badana ku Dhaawacmeen,iyadoo dowladda lagu dhaliilayo inaysan wali wax qorshe ah u heyn weerarrada qaraxyada ah ee ka dhacaya caasimadda Muqdisho.
Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka oo loo adeegsaday saddex qarax oo is xig xigay,waxeyna Kusoo Beegmeen iyadoo ay Magaalada Muqdisho Ku Suganyihiin Wafdi Ka Socda Dalka Turkiga Kuwaasoo u Kuur Galayey Sida Tayada Ciidamada Qalabka Sida Kor Loogu Qaadi karo Dhinac walba.











