Golaha Xukuumadda Somaliland oo isku Shaandheyn uu Ku Sameeyey M/weyne Muuse Biixi.

0
590

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyada Yuusuf Maxamed, halka wasiirkii arrimaha  dibada Sacad Cali Shire u magacaabay wasaarada maaliyadda.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyada Yuusuf Maxamed, halka wasiirkii arrimaha dibada Sacad Cali Shire u magacaabay wasaarada maaliyadda.

Sidoo kale, wasiirkii waxbarashada Yaasiin Farotoon waxa uu ka dhigay wasiirka Arrimaha Dibadda.

Masuuliyiintan uu magacaabay iyo kuwo uu isku bedelay waxay kala yihiin:

1.wasiirka arrimaha Dibadda waxa loo magacaabay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir farotoon.

2. wasiirka Maaliyada waxa loo magacaabay Dr:Sacad Cali Shire.

3. wasiirka waxbarashada waxa laga dhigay Cismaan Jaamac Aadan Iimaan.

4. wasiir ku xigeenka maaliyadda waxa laga dhigay Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashadda.

5. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa loo bedelay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

6. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

7. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

8. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

9. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa laga dhigay xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

10. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska waxa isna loo magacaabay xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

Si kastaba ha ahaatee, waxay dadku aad u hadal hayaan wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire iyo wasiirka Arrimaha Dibada Yaasiin Farotoon oo lagu dhaliili jirey wasaaradaha ay joogeen.