Gabadh Heesaa Caan ah una Dhalatey Dalka Ireland oo Diinta Islaamka Qaadatey Kana Baxdey Wixii ay Hore u Aaminsaneyd.

0
518
Sinéad O’Connor oo ah heesa caan ah oo u dhalatay dalka Ireland ayaa ku dhawaaqday in ay qaadatay diinta Islaamka,waxayna sheegtay in ay magaceeda badashay oo la baxday Shuhada Davitt.
Waxaa lagu xasuusta heestii aadka looga daba dhacay 1990 ee Nothing Compares 2 U.
Shuhada, ayaa sheegtay in ay go’aankan qaadatay iyadoo caqligeeda kaashanaysa, waxayna ay baahisay muuqaal ay aadaamayso, sidoo kale waxaa ay u mahadcelisay Muslimiinta taageerada ay u muujiyeen.
Maalin ka hor imaam Shaykh Dr Umar al-Qadri ayaa soo bandhigay muuqaalka ay fannaanadu ilaahay u mahadcelinayso.
https://youtu.be/0-EF60neguk