Dhaq Dhaqaaqa Suuqa Bakaaro iyo Ganacsatada oo ku Dhawaaqey in Suuqa Berito Dib loo Furayo.

0
1076

 Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa gabi ahaanba xirnaa dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha kaddib markii uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada gobolka Banaadir.

Xirnaashaha Suuqa ayaa saameynta ugu weyn waxaa ay ku yeelatay dadka danyarta ah ee u soo xoogsi tagi jiray Suuqa kuwaa nolal maalmeedkooda ka heli jiray.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa sheegay in ay cabashadooda u gudbiyeen maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay jawaab ka sugayaan.

Saakay ayaa la rajeynaa in dib loo furo inta badan ganacsiga Suuqa sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah ganacstada, inkastoo laga yaabo in xarumo waaweyn ee ganacsi wali sii xirnaan karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa  kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maan-gal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.

Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falan-qeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.

warsom2011@gmail.com