Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa sheegay in ay cabashadooda u gudbiyeen maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay jawaab ka sugayaan.
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maan-gal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.
Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falan-qeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.
warsom2011@gmail.com









