Dalka Kenya oo Goobaha Codbixinta Safaf Dhaadheer loogu Jiro iyo xaaladoo illaa hadda Caadi ah.

0
510

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax qalalase ah oo dhacay dadkuna waxaa ay si nabad ah u dhiibanayaan codadkooda doorashada dalka Kenya oo guud ahaan marka la eego ka kooba ilaa Lix qeybood.

Sawiro laga soo qaaday dadka codkooda dhiibanaya ayaa u muuqda kuwo ka tarjumaya xasilooni iyo in dadku diyaar u yihiin doorasho u dhacda si xor ah waxaana la arkayaa dadweynaha oo safaf dhaareer ugu jira goobaha codbixinta.

Marka laga soo tago qeybaha kala duwan doorashada tan ugu xasaasisan waa doorashada mdxweynaha iyo codadka lagu kala saarayo labada musharax ee kala ah Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo siweyn isugu dhagan.

Inta ay doorashadu socto dhinaca kale waxaa barbar socda fariimo nabadeed oo la jeedinayo, waxaana dadka loogu baaqayaa mar walba in ay xasiloonida ilaaliyaan kaddib natiijada doorashada.

Doorashadan ayaa  tijaabo u noqon doontaa hanaanka dimuqraadiyadda dalka Kenya, maadaama ay jiraan dhibaatoooyin ka dhashay doorashadii 2007-kii, markaa oo rabshadihii qarxay ay ku dhinteen in ka badan 1,100 qof.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

warsom2011@gmail.com