Fadhigii gollaha wakiilada Soomaaliland ayaa maanta gacanta leys kula tagay, waxaana gudaha xarunta laga maqlay rasaaas, taasoo keentay in ay gudaha gallaan ciidamo booliis ah.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo guddoomiyaha cusub ee gollaha wakiilada Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa la sheegay in uu gacan ka hadal dhaxmaray.
Guddoomiyaha cusub ee gollaha wakiilada ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen waxaana markii danbe laga kaxeeyay goobta.
Gacan ka hadalka iyo khilaafka ka dhax jira gollaha wakiilada Soomaaliland ayaa ka dhashay doorashadii maalin ka hor dhacday oo xildhibaankii looga guuleystay guddoonka gollaha wakiilada uu sheegay in codadka leys dab-mariyay islamarkaana isagu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee gollaha wakiilada.
Sheegashada C/raxmaan Talyane ayaa waxaa kasoo hor jeeste Xukuumadda Somaliland kadib markii wasiirka warfaafintu maanta sheegey in aqoonsanyihiin in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu yahey Baashe Maxmed Faarax.
warsom2011@gmail.com









