Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
14 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii Uu Qarax Bambaano Ka Dhacay Ay Isugu Yimaadaan Dadfarabadan oo ku taala magaalada Nairobi ee Dalkaasi Kenya.
Police-ka Kenya Saraakiil u hadlay ayaa sheegay in Habeenimadii Xalay Ay bomb Gacmeed lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen dad badan oo Nairobi ku taala waxaana ay intaa saraakishu ku dareen in dadka dhaawacmay ay ahaayeen Dhaliyaro Ku Sugneed Goobta uu Qaraxa ka dhacay
Sidoo Kale Waxa uu Sheegay Afhayeenkii u hadlayay police-ka dalkaasi Kenya in ay qaraxaasi ka dambeyeen Xarakada Al-shabaab Islamarkaana ay haatanba ku raad Joogaan goobaha ay ka soo baxeen kooxaha qaraxaasi geesatay
Waxaase Wariye ka tirsanShabakada wararka soomaaliyeed Ee Warsom uu Sheegay In Uu Booqday Goobaha Caafimaad La Geyey Dadkii Qaraxa Ku Waxyeeloobay Islamarkaana haatanba lagu dabiibay Dadkaasi ayuu sheegay in ay dadkaasi qaarkood ay xaaladoodu tahay mid aad u liidato
Qaraxaani Habeenkii Xalay Ahaa ka dhacay Magaalada Nairobe Ee Xarunta Dalkaasi Kenya Ayaa waxa ay Saameen Aad u Baaahsan ku Yeelatay Shacabkii Soomaalida ahaa ee Ku Sugnaa Dalkaai Kenya Islamarkaana Ku Ganacsada
Waxaana lagu soo waramayaa in ay dadka soomaalida ah haatanba ay ku joogaan dalkaasi Kenya Dhuu Dhuumasho iyodoo ciidamada Police-ka Kenyana ay Haatanba Biloween Sida ay U Uguaarsan lahaayeen Soomaalida ku Dhaqan Dalkaasi Kenya




