Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo bandhigeen magaalada Muqdisho hubka iyo waxyaalaha qarxa oo ay ka soo qabteen Guri ku yaal suuqa bakaaraha Islamarkaana ay saxaafada U Soo Bandhigeen.
Howlgalkaani ay manta ka sameeyeen Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Suuqa Bakaaraha islamarkaana ay kusoo bandhigey Hub Farabadan ayaa waxaa goobtii lagu soo bandhigayay ka hadlay Gaashaanle Sare Aadan Fiidow Cali oo ah agaasimaha waaxda ka hortagga qaraxyada waxa uuna sheegay in howlgallo baaritaan ah oo ay ka sameeyeen suuqa bakaaraha ay u suurtogashay in ay soo qabtaan hubkani Isugu Jira Noocyada Farabadan.
Sidoo Kale Fiidow waxa uu intaa ku daray in qofkii iska lahaa baqaarkan uu baxsaday ayna ku raadjoogaan. Waxana uu Kornelku sheegay in hubka ay soo qabteen ay ka mid ahaayeen rasaasta waaweyn Ee Qasaaraha Faraha Badan Geesata
Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Ayaa Marwaliba waxaa u Suura Gasha In Ay Ku Guuleysato Howlgaladeeda Islamaraaka ay Faraha ku So Dhigaan Noocyo Kala Duwan oo Hub ah Kaasi Oo Ay Xarakada Al-shabaab Kaga Tageen Meelaha ay Kala Wareegtay Dowlada TFG-da Soomaaliya
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)








