Madaxweyne Shariif Oo Maanta Kormeeray Qaar Ka Mid ah Furumaha Hore Dagaalk Ee Degmada Dayniile

0
583

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha dalka soomaaliya ayaa maanta booqday deegaano ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho oo maalmahaanba ay  dagaalo ka soconayeen.

Madaxweynaha soomaaliya Booqashada uu manta ku sameeyey degmada dayniile ee magaalada muqdisho ayaa la xiriirtay sidii uu u ugu kuurgali lahaa xaalada degmada Dayniile oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo

Shiikh Shariif oo Ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka iyo Saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM. ayaa waxaa uu ka dhegeystey warbixino saraakiisha ciidamada waxana uu gacan qaaday qaar kamid ah ciidamada ka dagaalamaya Furumaha Hore.

Booqashadii Shariif kadib waxa uu shirjaraa’id u qabtay Saxaafada Kaasi Uu Kaga Hadlayay Sida ay Ciidaada Xooga Dalka Wax kaga Qabteen Xaaladaha Cakiran Ay Xarakada Shabaab Ku Hayeen Shacabka Soomaaliyeed
Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa Waxana uu sheegay in dagaalada lagula jiroxarakada Mujaahidiidnta Al-shabaab uusan ahayn kuwo soo gabagaboobayo balse ay u socdaan qaar kamid ah gobolada dalka

Madaxweynuhu Oo Si Kulu Ugu Hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlgaladaasi ay sii socon doonaan inta dowladu ay kala wareegeyso dhamaan dhulka Ay Ka Tliyaan Xarakada  Al-shabaab.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)