Duqeyn Xoogan Oo Xalay Ilaa Iyo Saakay Ku Socotay Degmada Deyniile Ee Gobolka Banaadir

0
479

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Weerar Duqeymo culus ah ayay Ciidamada AMISOM xalay ilaa iyo saakay ku hayeen xaafadaha ay Ku harsanyihiin xarakada Al Shabab ee degmada Deynile

Xalay ayaa Ciidamada AMISOM duqeymo culus oo u badnaa madaafiicda loo yaqaano BM-ka iyo hoobiyaha waaga ugu baryasiiyeen shacabka Dhowrka ah Eek u nool Qaar ka mid ah Xaafadaha Degmada Deyniile iyadoona saakay wali Si tee teel ah ugu socoto duqeymo Degmadaasi deyniile  Ee Gobolka banaadir.

Sida ay sheegayaan Dad goob joog ah ayaa Duqentii xalay ay ciidamada AMISOM u geesteen degmda Deyyniile Waxaa Dhaawacyo Iyo Dhimasho ba ay ka soo gaareen Dad teel teel ah Oo Ku Sugnaa Xaafadahaasi Uu Dagaalada Maalmahaanba Ka Soconayay.

laba ruux ayaa Inta la ogyahay dagaaladaasi iyo duqeymaha ayaa ku dhintay oo rayid ah oo midina ay tahay haweeney, iyadoona ay sadex kale dhaawac kasoo gaareen Balse Haatan Lagu dabiibayo Qaar ka mid ah Ispitaalada Ku yaalo m agaalada Muqdisho.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)