“Amiirka Al-shabaab Abuu Zubeyr”Dowladaha Ku Soo Duulay Dalka Soomaaliya Digniin Baan U Jeedinayaa Shacabka Reer Libiyana Waan U Hambalyeynaya

0
1213

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Hadal uu jeedinayay Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan Abu Zubeyr ayaa manta laga sii daayay Idaacad Ku Hadasha Afka Xarakada Al-shabaab, iyadoona uu ka hadlay arrimaha ka taagan dalka Somaliya Iyo waliba Dagaalada Haatan Ku Soo Cusboonaaday .

Amiirka Xarakada A-shabaab Sheekh Abu Zubeyr ayaa hadalkiisa ku bilaabay hanbalyo ku socota labada shacab ee Muslimka ah ee Libya iyo Somaliya, iyadoona reer Libya uu ku bogaadiyay in Khamiistii ay laabeen Baalkii Mugdiga ahaa ee taliskii Mucamar Al-Qaddaafi ka gadaal markii lagu dhawaaqay in Dilkii Qaddaafi.

Sidoo Kale Amiirka Al-shabaab ayaa Wuxuu ugu hanbalyeeyay shacabka Somaliyeed Jabkii Uu Ku Sheegay In lo Geestay Ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi, kuwaasi oo Haatnba Dagaalo Kula Jira Xarakada Al-shabaab Gudaha Magaalada Muqdisho

Waxaa sidoo kale uu ku dhawaaqay Abu Zubeyr heegan buuxa in la geliyay dhamaan Gobolada dalka Somaliya si looga warceliyo duulaanada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab oo ay wadaan dawladaha Kenya Iyo ithopia

Abuu Zubeyr Ayaa dhaar ku maray in mudada dhaw Somaliya cirif ka cirif in uu ka talin doono Sidoo Uu Sheegay Xarakada Al-shabaab isagoona ku sii daray dhaarta in xukum aan Islaam aheyn in aanu ka talin doonin Gudaha Dalka Somaliya.

Amiirka Al-shabaab Abuu Zubeyr ayaa Ugu Dambeyntii adkeeyay Dagaalka ay Kula Jiraan Dowlada TFG-da Soomaaliya Iyo Kuwa AMISOM in uusan joogsan doonin ilaa laga xaqiijiyo hadafkii Ay Haatan Ku dagaalamayaan

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)