Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Dowlada Kenya Ugu Digay In Ay Ku Sii Sugnaato Ciida Soomaaliya

0
538

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
 
Shir uu yeeshey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna shir
gudoominayey kusimaha m/weynaha xisbiga c/nuur darman ahna gud
kuxigenka xisbiga mjs md cali maxamed nuux timajilic ayaa gabi ahaan
waxaa looga hadley falka indha la’aanta ah ee ay qaadatey dawlada
kenya kaasoo ah in ay dawlada kenya goosatey in ay ku xadgudubto
madaxbanaanida iyo qarannimada somalia.
 
Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa dawlada kenya uga digey
in ay ciidamadeedu ku sii jiraan ciidda gayiga somalia iyadoo si cad
loogu sheegey qaramada midoobey dawladaha midawga afrika jamacada
carabta iyo wadamada aduunkaba in soomaaliya aysan noqon karin meel ay
dawladaha geeska afrika ku tijaabiyaan awoodooda millatery.
Ugu danbeyntii ayaa qoraalka oo uu ku saxiixnaa kusimaha m/weynaha
xisbiga ahna gud kuxigeenka xmjs cali maxamed nuux timajilic waxaa
lagu yiri hadii dawladaha derisku dhawri waayaan qawaaniinta caalamka
u degsan soomaalida dhulkeedu wuu dunsanyahey cidii faraha la soo
gashana wey arki doontaa waxa ay kala kulanto.
Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed wuu ogyahey danaha ay kenya
ka leedahey ciida soomaaliya hirgelinta azaaniya wey u suuroobi weysey
sidaasna kuma heli doonto taako dhulka soomaaliyeed ee waa in dadka
soomaaliyeed baraa ciidamada kenya casharka dagaal ee ay gudaha
soomaaliya usoo doonteen ayaa qoraalka lagu soo gabangabeeyey.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)