Guuto Ciidamo Kenyan Ah Oo Fariisimo Ka Samaystay Duleedka Ceelwaaq

0
508

  (Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Deegaanada ku yaala gobolada xuduudka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan Wararka laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada Mileteriga dalka Kenya ay dhinaca Soomaaliya usoo gudbeen islamarkaana ay fariisimo ka sameesteen .

Ciidamadan ka socda dalka kenya oo ku qalabaysan hub culculus iyo gaadiidka dagaalka ee gaashaaman ay kasoo gudbeen dhinaca degmada Ceelwaaq islamarkaana ay fariisimo ciidan ka samaysteen isla duleedka degmadaasi Ceelwaaq.

Wel wel xoogan ayaa soo wajahay Dadkii Deeganka ku ahaa Degmadasi Ceelwaaq imaanshaha ciidamadan cusub ee Kenyan iyagoo sheegay in xoogaga xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ay isku uruursanayaan deegaanka Busaar

Sidoo kale waxa ay sheegeen in saan saan dagaal laga dareemayo degmada Ceel waaq iyo dhulka u dhow dhow islamarkaana ay u suurta gal tahay in uu dagaal ka dhex qarxo ciidamada Kenya iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Ee Iyana ku sugan Qeebo Ka Tirsan Deegaanadaasii.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)