Qaraxyo Qasaaro Geestay Oo Maanta Lagu Weeraray Saldhig Ciidamada AMISOM Ay Ku Leeyihiin Magaalada Muqdisho

0
582

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Qaraxyo Aad U Xoogan oo is xig xigay ayaa maanta lala beegsaday saldhig ay ciidama AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Weerarkaani  Qaraxa Miinada oo ahaa nooca laga hago meelaha fog fog ayaa la sheegay in ay ku qarxeen banaanka xarunta Jaamacadii Hore ee Umadda ee magaalada Muqdisho oo hada xarun u ah ciidamada Burundi ee ka mid ah kuwa AMISOM Ee ka dagaalama Gudaha magaalada Muqdisho.

Sida ay Noo Xaqiijiyeen Dad Goob Jooga yaal ah ayaa  Noo Xaqiijiyay in ay Arkayeen dhaawacyada sadex ruux oo isugu jirya askar ka tirsan ciidanka dowlada KMG iyo dad rayid ah meesha Yaalay Ka Dib Markii Uu Miinada Ka Qarxay Goobtaasi.

Miinada Lagu Qarxiyay Ciidamada Burundi ayaa wuxuu ka dhacay geed hoostiis , oo ah qeybta danbe ee xarunta Jaamacada gaar ahaan derbiga Dhinaciisa

Waxaana halkaasi joogey ciidan ka tirsan dowlada, qaraxa hore ayaa sababay Khasaaraha wax yar kadibna waxaa dhacay qarax kale balse ma jirin Dad Shacab ah Oo Ku wax yeeloobay Oo aan ka aheen Ciidamaddii Burundi eel ala eegtay Qarax oo Qasaaro ka soo garay

AMISOM Ciidamo ka Tirsan  ayaa rasaas Ooda kaga qaaday dadka shacabka ah eek u sugnaa agagarka Jamacadii hore ee umada ee magaalada muqdisho marki ay maqleen qaraxyada

 Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)