Masuuliyiin Ka Tirsan Jabhada Raas-kambooni Oo Cadeeyey In Ay Ka Garab Dagaalamayaan Ciidamo Kenyaan Ah

0
670

 Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

 Sheekh Maxamuud Khaalid oo ah Taliyahaha guud ee ciidamada Ururka Raas Kaambooni ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamada Kenya ee la sheegay inay ka garab dagaalamayaan ciidamada dowlada iyo kuwa Jabhadda Raas Kaambooni oo iyagu beryihii u danbeeyey howlgalo ay si wada jir ah uga fuliyeen gobollada Jubbooyinka

 Abaanduulaha guud ee ciidamada Raas Kambooni ayaa maanta mar uu la hadlayey Warbaahinta gudaha dalka ka howl gala qaarkood xaqiijiyey in ay jiraan ciidamo badan oo Kenyan ah oo dhowaan soo gaarey kuwaas oo ka caawin doono sidii xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab looga  saarilahaa guud ahaan gobolladda Jubbooyinka iyo gobolada Xaduuda Ay Wadaagaan Soomaaliya Iyo Kenya

Xaqiijinta Saraakiisha Raaskambooni Ay Xaiijiyeen in Ciidamo Kenyaan Ah Ay Ka Garab Dagaalamaayan ayaa kusoo Aadeysa xilli goor hore afhayeenka dowlada Kenya uu qirey in boqolaal ciidamada dalka Kenya ah ay u tallaabeen dhinaca dalka Soomaaliya ,

Waxaa Uu Kaloo Sheegay In Ay Ku Raad joogaan Kooxihii Afduubka U Geesatay Labadii Habeen Ee Laga Afduubtay Xerada Dhadhaab Ee Dalka Kenya

Tani ayaa ah  markii ugu horeysey oo Saraakiisha Raas Kambooni  ay cadeeyeen in ciidamo Kenyan ah ay ka garab dagaalamayaan

 Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)