Waxaa deegaanadda Somaliland qaar ka mid ah lasoo sheegayaa inuu ka da’ay roob biyo dhigay oo Maasheeyay Dhulkii boorku ka duulaayey ee jiilaalka darteed looga guuray.
Deegaanadda roobku helay waxa ka mid ah magaaladda Hargeysa oo xalay uu helay roob shuux ahi, deegaanadda Sallaxley hoos yimaada, degmadda Allabaday iyo Wajaale, waxa kale oo roob ku da’ay deegaanadda dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya barigeedda oo la sheegay inuu roob lagu diirsaday ka da’ay.
Magaalada Hargeysa, ayaa waxaa saakay Cirka daboolay Daruuro biyeysan oo Qorraxdii falaadheheeddii tooska ugu soo dhacaysay dhulka ka xijaabtay, waxaana goor kasta la filan kara inuu roobku da’o maadaama oo daruurtu ay qarisay cirka.
Dadkii reer guuraa ah ee xooluhu ka dhamaadeen ee qoysaskii kala lumeen ayaa u muuqdo inay daruuraha rooban ee cirka daboolay inay nageeyaan, isla markaana reerihii hayaanka ku jiray ee meelo ka fog deegaankooda u socday inay daruuraha dajin doonaan, maadaama oo maalmihii hore aanay jirin daruur iyo wax u muuqda inuu roob soo socdo.
Abaartan sandkan dhacday ayaa ahayd mid aad u xanuun badan oo marka muuqaalada laga soo duubay daawato murago iyo naxdin kugu beerayey, iyadoo xoolihii raqdoodddu wadhan tahay dhul badan, isla markaana ay jiraan caruuro guryo cidda lah laga cararay oo xoolihii intii ku hadhay qof waliba meesha uu islahaa daaq baad ka helaysa usii cararay.
Sidoo kale, Abaartan ayaa dadka waa-weyn sheegeen in Abaartaan oo kale muddo dheer aanay arag, isla markaana qoysas faro badan ay xoolihii ka laysay, inkastoo roobka marka uu yimaadanna xoolihii oo itaal dareeyey wax badan roobku laayo.
Waxaa loo Diyaar-garoobayaa in Xoolaha yar ee dadkii reer guuraa ah ku soo hadho looga badbaadin lahaa in roobku inta u haray ka laayo, maadaama marka abuurtu raagto Roobka yimaadda xoolo badan u dhintaan.
Si kasta ha ahaatee, ducooyinkii iyo alla barigii faraha badnaa ee gacmaha cirka loo taagay ayuu illaahay ugu naxariistay adoomihiisa, waxaana meelo badan laga soo sheegayaa Roob qaboojiyey dhulkii omoska iyo boodhku ka duulayey.
warsom2o11@gmail.com









