Qarax ayaa Goor-dhaw ka dhacay waddada Afsiyooni ee laga galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kaasoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Goobjoogayaal ayaa WARSOM u sheegay in Qaraxu uu ahaa mid dhawaaq weyn, balse aanay ogeyn goob kala beegsaday, waxaana halka uu Qaraxu dhacay laga Maqlayay Dhawaaqa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Ambulace-ga loo yaqaan.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari Wax-yaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.
Sidoo kale, Rasaas Teel-teel ah ayaa laga maqlayay Goobtaas, illaa haddana ma jirto Wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha Amaanka Dowladda Somalia, iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.
Ugu danbeyntii warar ayaa sheegaya in goob ku haw halka qaraxu ka dhacey ay ka jirtey munaaasabad la filayey in XASAN SHEEKH ka qeyb galo hase yeeshee ay suuroobi weydey in ay dhacdo hawshaasi lamana oga khasaaruhu inta uu la egyahey illaa iyo hadda,waxaanse idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe Insha allaah.
warsom2011@gmail.com









