Beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed oo soo qadimey in aysan aqbaleyn Doorashada dadban ee hada socota(DAAWO)

0
612

Iyadoo waqtigan la joogo gabangabada waxa loogu yeerey Doorashada dadban ayaa waxaa isa soo tareysa qeylo dhaan la xiriirta sida ay wax u socdaan iyo musuqa hareeyey doorashada dadban ee 2016ka.

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya ayaa hore waxa ay u sheegeen in aan doorasho lagu tilmaami karin waxa loogu yeerey doorashashada dadban,sheegeyna in aaney dastuurka waafaqsaneyn cidda go’aamisey iyo cidda maamuleysa toona,waxeyna ugu horeyn meesha kasaareen raga la baxey Madasha qaranka,magacaabista gudiga Doorashooyinka,gudiga xalinta khilaafaadka oo dhaantood ah kuwo iyagu waxa lagu tartamaya raba,dhex dhexaadna aaney ka noqon karin,waxa soo baxaana aaney xalaal aheyn bulshaduna ku qanci doonin,hadaba waa kuwan qaar ka mid ah odayaasha beelaha soomaaliyeed ee dheyso sida ay wax u sheegayaan.