Wafuudii Soomaaliya ayaa ku darsamay wafuuda dalal badan oo jaamacada Carabta kasocday ugana qeyb galayay shir ay lahaayeen Carabta iyo Afrikaanka oo ka dhacayay dalka Equatorial Guinea.
Saraakiil ka socday Morocco, Soomaaliya iyo dalal kale oo Carab ah ayaa isaga baxay shir madaxeed ay lahaayeen madaxda Carabta iyo Afrikaanka ayagoo kasoo horjeeday inay shirkaa soo xaadireen xubnaha dhaqdhaqaaq ku baaqa in madax bannaani la siiyo Galbeedka Saxara ama Western Sahara.
Morocco ayaa dawladeedu u aragtaa Western Sahara in ay tahay qeyb ka tirsan dalkeeda [gobolkeeda koofureed]. Dhaqdhaqaaqa shirka looga dareeray ayaa lagu magacaabaa Polisario Front (PF).
Dalalka ay wafuudoodu ka dareereen shirka ayaa ah Soomaaliya, Morocco, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Qatar, Cumaan, Urdun iyo Yemen.
Shirkaa ayaa kusaabsanaa dhaqaalaha dalalka Afrika iyo Carabta markii lagu casumey ururkaas gooni u goosadka ahna ay ka caroodeen dalalka aan kor kusoo sheegney.
warsom2011@gmail.com









