Wararka naga soo gaarraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iska horimaad kooban xallay uu ku dhaxmaray aagagga dagaalka ciidamada Puntland iyo Galmudug, xili magaalada ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta labada dhinac, ra’iisal wasaare Sharm’arke iyo saraakiil ka socta QM.
Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in dhinacyada wadda-hadlaya isku fahmi la’yihiin kala qaadista ciidammada isku horfadhiya aagagga dagaalka oo marka laga soo tago in lagu hishiiyay oo kaliya, ilaa iyo hadda aan la dhaqan-galin..
Isfam la’aanta ayaa lagu sheegay in dhinac walba kan kale uu ka dalbanayo in ay ku hormaraan fulinta hishiiska la gaaray gaar ahaan kala qaadista ciidammada oo maamul walba kan kale uu ka dalbanayo in marka hore ciidamadooda ka saaraan aagagga dagaalka, taasoo keentay in qolo walba halkooda ku sii nagaadaan.
Arrimaha kale ee muranka xooga leh uu ka jirro ayaa ah dhismaha maxjarka Puntland ay ka dhiseyso Gaalkacyo oo sidda la sheegay ay dalbadeen dhinaca Galmudug in la joojiyo, taasoo ay ku gacan seyreen dhinac kale.
Ra’iisal wasaare Cumar C/shiid Cali Sharma’arke oo shirar aan kala joogsi laheyn la yeellanaya odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac oo la wareegay awooda wadda hadallada, ayaa ilaa iyo hadda ku guuleysan ka miro dhalinta hishiiskii la gaaray.
DHawaan ayaa waxaa labada dhinac oo ku muransan Gaalkacyo ay magacaabeen gudiyo taaba geliya heshiiskii ay dhawaan ku dhawaaqqen madaxweynayaasha labada maamul Galmudug iyo Puntland iyadoo shaqadii ugu horeyseyku baaqey in dadkii Gaalkacyo ka Qaxey magaalada ku soo laabtaan taas oo qaar kamid ah barakacayaashu diideen.
Ugu danbeyntii, magaalada Gaalkacyo oo ka hor dagaallada aheyd magaalo ganaci, ayaa hadda lagu tilmaamayaa in ay ka mid tahay goobaha ugu cabsida badan, kaddib markii ay magan u noqotay dagaallo iyo colaad aan dhamaad laheyn.
warsom2011@gmail.com









