Qurba joog fara badan oo dalka gudihiisa kusoo laabanaya kadib hagaajin L/soc iyo jinsiyadahu sameysey.

0
613

Soomaali badan oo qurbaha ku wareeray ayaa haatan lagu soo waramayaa inay dib ugu laabanayaan dalkoodii hooyo ee Soomaaliya.

Inkastoo wali qeybo badan oo Soomaaliya ah ay colaado ka jiraan Soomaalidaa ayaa door bidaya inay qurbaha isaga tagaan oo dalkoodii ay maciin bidaan kadib markii ay ku dhibtoodeen ama lagu dhibaateeyay qurbaha.

Laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha dawladda Federalka ayaa dhawaan waxey billawdey siminaaro sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha ka hawl gala garoomada dalka kuwaasoo Madaxda waqtigan arkeen in dadka debedaha kasoo laabanaya ay helaan ama la tusiyo qiimaha dalka Hooyo iyadoo loogu adeegayo si hufan oo qiimo qadarin ku jirto hadii ay dhoofayaan iyo hadii ay soo degayaanba.

Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dawlada federalka Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale KOOFI ayaa ugu baaqey dadka soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo debeddaba in loogu adeegi doono si hufan lana tusi doono waddaniyad jaceylka oo qeyb iimaanka ka mid ah noqoneysa qofkii dalkiisa cadaw ku noqdaana uusan qiimo yeelan doonin isagoo ku booriyey ganacsatada iyo maal qabeenadu in ay dalkooda maal gashadaan.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf waxay ka tirsan tahay xafiiska raisul wasaaraha Soomaaliya. Waxay warbaahinta asbuucaan gudihiisa u sheegtay ayadoo joogtay Kampala Uganda in dadkaasi ay sidoo kale u hiloobeen dalkoodii. ‘Hadii dibada adoo jooga aad dareento in noloshaadu aysan wax horumar ah samaynayn, waxaa wanaagsan inaad dalkaagii u laabato’. Sidaa ayay tiri Maryam.

Maryam ayaa sidoo kale ka shaqeysa arimaha carruurta iyo xaquuqda muhaajiriinta.

Dhanka kale, UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan 200, 000 oo ka tirsan qaxootiga Soomaalida ah ee kunool Yemen ee gaaraya 600,000 ay muujiyeen inay dalkoodii Soomaaliya ku noqdaan.

Sidoo kale ayaa dad gaaraya 200 oo reer Soomaaliya ah oo qaxooti ku ahaa dalka Jabuuti ay rabaan inay ku noqdaan Soomaaliya.

Dalka Kenya asna waxaa ka noqday tobanaan kun oo Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa laga soo bilaabo sanadkii 2014 markii dawladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hayada UNHCR ay saxiixeen heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan celinta qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya jooga.

Dawlada Soomaaliya ayaa iyana bilowday inay samayso xiriirin qaran oo ku taxaluqda arimaha socdaalka maadaama ay iminka Soomaaliya kusoo laabanayaan Soomaali badan oo ka imaanaya qeybo badan oo caalamka ah.

Dawlada Soomaaliya ayaa sidoo kale sugeysa in baarlamaanka Soomaaliya uu sameeyo sharci looga hortago tahriibinta ama isxambaarka.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarakhormuud-logo