Lix kursiyoo xubnaha aqalka hoose kamid ah oo Galmudug lagu kala bixi doono.

0
533

Maanta, ayaa lagu wadaa in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo ah Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug, lagu doorto xubnaha Aqalka Hoose, iyadoo lix xubnood oo keliya maanta lasoo dooran doono.

Guddiga Doorashada Heer maamul-goboleed ee Galmudug, ayaa sheegay in lixda kursi ay ku tartami doonaan xubnaha kala ah:

  1. Qaladla Cali Warsame iyo Duniyo Maxamed Cali
  2. Cabdi Shire Jaamac, Suldaan Xaaji Aadan, Deeqo Xuseen Mire iyo Qaasim Maxamed
  3. Maxamed Cilmi Afrax, Bootaan Ciise Caalin, Cabdulle Faarax Xirsi iyo Cali Sheekh Yaasiin Xirsi
  4. Maxamed Cabdulle Faarax iyo Maxamed Axmed Xaashi
    5. Qaali Axmed Diiriye, C/casiis Cilmi Cali, Xasan Maxamed Axmed iyo Nasteexo Cali Rooble
  5. Xuseen Qaasim Yuusuf iyo Shire Macalin Gaab

Ugu dambeyn, Ergada doorashada Maamulka Galmudug, ayaa laga doonayaa inay Maanta soo doortaan xubnaha ku meteli doona Aqalka Hoose ee Baarlamanka Cusub ee Federaalka Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak