Madaxweynaha dalka KENYA Uhuru Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in Kenya ay wali ku taagan tahay go’aankeeda ku aaddan in ciidamadeeda militariga ay kala soo bixi doonto Suudanta Konfureed (South Sudan) oo ay nabad ilaalin u joogaan.
Kenyatta ayaa intaa kudaray in Kenya ay xil iska saartay sidii nabad iyo xasilooni ay ugu so celin lahayd gobolka balse hadda tilaabadaasi loogu badalay in meel looga dhaco sumcada dowlada iyo shacabka Kenya. Go’aankan ayaa daba socday tallaabadii uu dhawaan xog hayaha guud ee QM xilka uga qaaday taliyihii ciidamada nabab ilaalinta QM ee Suudaanta Koofureed Johnson Mogoa Kimani Ondieki oo u dhashay dalkan Kenya.
Taliyahaasi ayaa xilka laga qaaday kadib markii lagu eedeeyay in ciidanka uu hogaaminayo ay ku guul dareysteen in ay difaacaan dadka shacabka ah ee ilaalintooda loo xil saaray.
Madaxweynaha KENYA oo ka hadlayay goroonka tababarka ciidamada difaaca dalka Kenya ee kuyaala Lanet oo katirsan degmada Nakuru ayaa sheegay in u jeedooda ay u joogeen South Sudan ay ahayd oo kali ah sidii nabad loogu soo celin lahaa wadankaasi oo ay si ba’an u saameyeen dagaalada sokeeya.
Uhuru ayaa hoosta ka xariiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan Kenya ay u qaadi doonto tilaabada ay ciidamada difaaca kala soo bixi doonto dalka South Sudan.







