(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Maamulka gedo ayaa maanta magalada baardheere ku soo bandhigtay hubkii iyo gaadiidkii dagaal ee looga furtay dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay magalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.iyadoona fagaaraha wayn ee baardheere lugu soo bandhigay sahaydasi militiri Oo Ay Xarakada Al-shabaab ka la wareegeen Ciidamada Dowlada TGF-da Soomaaliya.
Bulshada ku dhaqan baardheere ayaa isugu soo baxay fagaaraha wayn ee magalada si ay ugu u arkaan gaadiidka dagaalka saanada militiri ee dagaalkii ceelwaaq lagu soo furtay,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka dadka kala hadleen isbartiibada magalada baadheere.
Dad wayne Aad U Farabadan iyo muslimiin ayaa saaka lagu arkayaa wadooyinka waa wayn ee magalada baardheere kuwaas ka qeybgalay munaasabada ballaaran Kaasi oo lagusoo bandhigay Saanadaha Militiry iyo waliba Gaadiidka Dagaal ee laga wareegay Dagaaladii ay kula galeen Dowlada TGF-da Magaalada Ceel-Waaq
Xarakada mujaahidinta Al shabab ayaa gaadiid dagaal iyo saanad dagaal midii ugu badneyd ka helay dagaalkii ugu dambeyey ee degmada ceelwaaq ku dhexmaray iyaga iyo Dowlada TGF-da,
Ciidamada Shabaab ayaa muddo sacaado badan oo ay gacanta ku hayeen magalada si buuxda u daadgureystay keydadkii hubka ee degmadasi.
Waa markii sidaxaad oo Maamulka islamiga ah ee gado ay meelfagaraha ay ku soo bandhigto gaadiid iyo saanad dagaal oo laga soo furtay Dowlada TFG-da ee ay soo dagaalgeliyeen itoobiya iyo Kenya,
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )





