(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Prof Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda dalka Mareykanka ee Washington DC ka dib markii uu 14kii September warbixin siiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo New York fadhigoodu yahay.
C/weli Gaas ayaa maanta la kulmay mas’uuliyiiin ay ka mid yihiin Congressman Donald Payne, Congressman Chris Smith oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Africa, iyo Congressman Keith Ellison oo laga soo doortay magaalada Minnesota oo ay Somalidu ku badanyihiin Islamarkaana Uu Kulankooda ka dhacay Magaalo madaxda Mareykanka Ee Washimgton
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay mas’uuliyiintan sidii loo sii xoojin lahaa horumarka dowladda Soomaaliya ay ka sameysey arrimaha amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, iyo arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo siyaasadda
C/Wali ayaa sheegay in xaaladda macluusha ee shacabka soomaaliyeed ay gaartay tii ugu xumeyd loona baahanyahay in dadaalada gar-gaarka bani’aadanimo la sii kordhiyo oo dowladda soomaaliya lagu saacido fulinta mashaariic saacidi kara in shacabka soomaaliyeed ay ku noqdaan guryahooda oo loo helo nolol maalmeedkooda ayuu yiri C/wali Max’ed Cali Gaas Oo ah Ra’iisul wazaaraha Soomaalia
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com