(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Masuuliyiinta Dowlada TFG-da ee Gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in ay wadaan abaabulo dagaal oo ay Xarakada Al-Shabaab kaga saarayaan Guud ahaan Gobolada Jubbooyinka.
Maxe’d Faarax Daahir Oo ah Afahayeenka Ciidamada dowladda TFG-da Soomaaliya ee gobolada Jubooyinka ayaa waxaa uu sheegay in Duulaan ay ku qaadayaan deegaanada ay AL-Shabaabka Jubooyinka kaga sugan yihiin islamarkaan ay ka Ciribtirayaan Goobaha ay kaga suganyihiin Goboladaasi.
Sidoo Kale Waxaa uu carabka ku Dhuftay in uu meel dhamaad ah umarayo abaabulo ay maalmahan kawadeen Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan deegaanada ay kataliyaan .
Sarkaalkan Ciidamada Dowlada ee Jubooyinka uhadlay ayaa waxaa uu meesha kasaaray in ay jiraan Khilaaf udhaxeeya Ciidamadooda kusugan Jubooyinka iyo Ciidamada Dowlada ee Gedo dagaalada kawada.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )





