Xalay ayaa
shir si heer sare ah loo soo agaasimay
waxaa magaalada Nairobi ku
qabtay isbahaysiga siyaasada ee Amani
National Congress (ANC).
Isbahaysigaa ayaa waxaa hoggaamiya
Musalia Mudavadi oo ah siyaasi reer
Kenya ah kana soo jeeda dhanka galbeed
ee dalka Kenya.
Sidoo kale ayaa waxaa ku xigeen u ah
nin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda
gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Cabdi
Yare oo ah siyaasi muddo dheer ku soo
jiray siyaada Kenya.
Xisbigaa ayaa waxaa ay doonayaan
xubnihiisu inay la tartamaan
isbahaysiyada waaweyn ee dalka Kenya
ka jira sida Jubilee iyo CORD gaar ahaan
doorashada lagu wado inay dhacdo
sanadka soo socda ee 2017-ka.
Sidoo kale ayaa waxaa haatan uu wadaa
isbahaysigaasi olole uu ku kasbanaayo
taageereyaal badan oo ka soo jeeda
dhammaan daafaha dalka Kenya si uu
isugu dayo inuu ku guuleysto doorashada
Kenya kadhici doonta sanadka fooda
nagu soo haya ee 2017.
Xafladii xalay Nairobi ay ku qabteen
ayaa waxaa masuuliyiinta isbahaysigaasi
kula kulmeen Muslimiinta Kenya gaar
ahaan masuuliyiin badan oo kasoo jeeda
gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari
Kenya kuwaasoo lagu casuumay af fur
ayadoo haatan lagu jiro bisha
barakaysan ee Ramadaan.
Waxaa goobtaa ka hadlay oo khudbado
ka jeediyay siyaasiyiin badan oo ANC ka
tirsan gaar ahaan hoggaamiyeyaasha
ANC.
Ugu dambayn ayaa waxaa halkaa ka
hadlay isla markaana himilooyinkooda
soo bandhigay Musalia Mudavadi iyo ku
xigeenkiisa Cabdi Yare ayagoo sameeyay
ballan qaadyo badan oo kusaabsan
waxyaabaha ay doonayaan inay dadka
reer Kenya u qabtaan hadii ay
doorashada sanadka soo socda ay ku
guuleystaan gaar ahaan ummada
Muslimiinta ah ee reer Kenya.
warsom2011@gmail.com




