Gobolka Sool soomaaliya oo maanta dagaalo khasaare nafeed sababey ka dhaceen.

0
576

Dagaallo
Xooggan oo laba Beelood ku Dhex-maray
Maanta Dulleedka Tuulada Dhumay oo
40-km galbeed kaga aadan degmada
Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,
ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.
Inta la og-yahay Lix ruux oo ka mid
ahaa dhinacyadii dagaalladu u
dhexeeyeen ayaa ku dhintay, halka 16
qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalladan ayaa daba-socday dagaallo
hore oo deegaanno kala duwan ku
dhexmaray labadan beelood, iyadoo illaa
hadda xal loo la’yahay joojinta
dagaalladan.

Ciidammo tiro badan, ayaa la geeyay
deegaanno dhawr ah oo ay Beelahani
wada-degaan, kuwaasoo la sheegay inay
baajiyeen isku dhacyo kale oo beelahaan
ku dhexmara deegaannadaas.
Sidoo kale, Dadka ku dhintay
Colaaddaan ayaa gaadhaya 60 ruux iyo
dhawacyo intaas ka badan, mana
muuqato nabad kasoo muuqata, iyadoo
Dhawacyadii Maanta la soo Gaarsiiyay
Isbitaalka Laascaanood iyo kan hay’adda
Manhal.

Ugu dambeyntii, Dagaalladan ayaa
walaac wayn ku haya bulshada Gobolka
Sool, iyadoo ay dad badan qabaan in
Dagaalladaan ay gacmo Siyaasadeed ku
milan yihiin, Waxaana horay loogu Guul-
darreystay isku-dayo Nabadeed oo lagu
doonayay in Cooladahaan lagu Joojiiyo.

warsom2011@gmail.com