Axmed Siilaanyo oo dhaliiley midawgii Koonfur iyo Waqooyi kuna tilmaamey Madhaleys aan la mahdin.

0
592

Xaflada
balaadhan oo loogu dabaal degayo sanad
guurada 56aad ee ka soo wareegtay
markii calankii ugu horeeyey la saaray
dhul soomaaliyeed, kaasi oo lagu qabtay
qasriga Madaxtooyada.

Munaasibad loogu dabaal degayey
sanad guuradda 56aad ee ka soo
wareegtay markii goboladda waqooyi
ama Somaliland xornimadda ka qaateen
gumaystihii Ingiriiska, ayaa xalay lagu
qabtay xarunta madaxtooyadda ee
magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan waxa ka soo qaybgallay
masuuliyiinta qaranka ugu saraysa, oo
ka kala socda saddexda golle qaran,
xukuumadda, guurtida, wakiilada,
Asxaabta qaranka iyo marti sharaf ka
kala socotay dalalka ay Somaliland
saaxiibka iyo kuwa deriskaba, kuwaas
oo damaashaad iyo taariikhdii
Somaliland usoo martay halgankii la
iskaga kicinayey gumaystaha Ingiriiska
ah madasha lagu soobandhigay.

Waxa halkaa khudbado ka soo jeediyey
xubno goobjoog u soo ahaa, isla
markaana masuuliyiinka soo ahaa
dawladii gumaysiga ee Ingiriiska, kana
mid ahaayeen mudane Cismaan Axmed
Xasan (Cismaan Indhoole) iyo Mudane
Maxamuud Aadan Dheri.

Waxa kale oo halkaa laga soo jeediyey
suugaan tiro badan oo ku qotonta
munaasibada iyo taariikhdeeda, kana
mid ahaayeen dadkii ka hadlay Abwaan
Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) iyo
Abwaan da’ yar oo la yidhaah Farxaan
Ismaaciil Maal.

Waxa kale oo halkaa
lagu soo bandhigay barmaamij ka
waramaya taariikhda Somaliland markii
gumaysta Ingiriisku soo galay
1987-1991kii markii lala soo noqday
mar kale madax-banaanida Somaliland.

Intaas ka dibna madxweynaha calanka
Saaray ka dibna salaan ka qaatay
cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane
Axmed Maxamed Silaanyo oo khudbad
dheer ka jeediyey ayaa kaga hadlay
marxaladii gumaysiga iyo maxmiyada
Somaliland isagoo bogaadiyey axsaabtii
u soo halgantay xornimamada hore, lana
dagaalantay gumaystihii ingiriiska ee
SNL, NUF, USP iyo dhaqdhaqaaqii SNM
ee ka dambeeyey, kuwaas oo uu duco u
diray intoodii dhimatay.

Madaxweynaha Siilaanyo ayaa
hambalyo u diray shacabka Somaliland
meel kasta oo ay jogaan munaasibadda
26 june awgeed, waxaanu ka sheekeeyey
taariikhdii uu Ingiriisku gumaystay
Somaliland, waxaanu yidhi “Dawladda
Ingiriisku waxay soo caga-dhigatay
Carriga Somaliland 1887-kii, iyadoo aan
xoog ku qabsan, balse ku timi heshiis ay
la galeen beel-daajiyaashii iyo
birmageydadii hormuudka u ahayd
Bulshada Somaliland xiligaa.Somaliland
ma ahayn dal toos loo guumaystay sida
dalalka Africa badankooda, hase
yeeshee, waxay ahayd maxmiyad ay
ilaaliso ama maamusho ciiddeeda,
boqortooyadii aan calankeeda cadceedu
ka dhici jirin. In ka badan qarni badhkii
ayaa laga joogaa maalintii Somaliland
noqotay Jamhuuriyad Madax-bannaan
oo leh Dawlad iyo Dal, la aqoonsan
yahay.

Halgan qadhaadh iyo hayaan dheer oo
loo soo galay xaqiijinta himilladii
gobonnimo doonka, waxay Somaliland
nasiib u yeelatay in ay ku guulaysato
qarannimo buuxda, isla markaana
noqoto dalkii 15aad ee Qaaradda Africa
qaatay madax-bannaani, taasoo
cadaynaysa in aynu ka hana-qaad
horreynay badiba waddamada bariga
iyo badhtamaha Africa, sida; Kenya,
Uganda, Tanzania, Djibouti, Somalia,
Eretria, Rwanda, Burundi, Central
African Republic, Mozambique, Zambia
iyo Malawi.

Waxa hambalyo mudan halyeyadii
xasiliyey gobonnimadaa, waxaan si gaar
ah u xusayaa Xisbiyadii Siyaasiga ahaa
ee SNL, NUF, iyo USP oo door weyn ka
qaatay.”

Madaxweynuhu isagoo hadalka sii wata
waxa uu yidhi “ Sidoo kale, waxaan ugu
ducaynayaa intii dhimatay, hal-doorkii
taariikhda halgankaa ku suntanaa iyo
mujaahidiintii ku shahiiday halgankii
dib ula soo noqoshada madax-
bannaanida Somaliland in Eebbe
naxariistii janno ka waraabiyo, fadliga
bisha Ramadaanna ugu dambi dhaafo.
Ka Sokow in aynu noqon-nay Ummadda
Soomaaliyeed dalkii iyo dadkii ugu
horreeyey ee noqday qaran xor ah, waxa
xaqiiq ah in Bulshada Somaliland ay
hormuud ka ahayd hammigii lixdankii
ee salka ku hayey in la abuuro qaran
weyn oo ay shanta Soomaaliyeedba ku
dhan tahay.”

Mar kale isagoo ka hadlay midowgii
dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya,
waxa uu yidhi “ Jibbadii iyo Soomaali
jacaylkii quluubteenna jeexay, wuxuu
keenay in shan cisho ka dib aynu deg-
deg ugu biirno dalkii Soomaaliya ee
Talyaanigu gumaysan jiray shuruud
la’aan, isla maalintii uu gobonnimada
qaatay 1-dii July, 1960.

Inkasta oo uu ahaa il-duuf siyaasadeed
oo ina dhaxal-siiyey dhibaato badan,
haddana dhinaca kale, waxaan la dafiri
karin inuu ahaa go’aan geesinimo leh oo
ay qaadan karto oo keliya ummad gob
ah oo garasho dheer lihi.

Midowgii dhex-maray labadii dal ee
Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu
noqday madhalays aan la mahadin.
Nasiib darro, waxa laga dheefay oo
qudha nacayb, Niyad jab iyo naxli la
dhex dhigo Ummaddii Soomaaliyeed ee
isu haysay hilowga iyo kalgacalka.
Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda
“Daayeerow Qadhaab ka waran? wuxuu
yidhi, Tunkayga iyo Tagoogayga ka eeg”.

Sidaa darteed, waxaan leeyahay
Shacbiga Somaliland soddonkii sanno ee
ay ka mid ahaayeen dal weynihii
Soomaaliya ma jiro wax faa’iido ah oo
ay ka dhaxleen haba-yaraatee.

Marka la barbar dhigo 25-kan sanno ee
aynu la soo noqonnay madax
bannaanideenna, waxa inoo kordhay
ayaa ka badan boqolkiiba sagaashan,
iyadoo aynaan helin taageero luxdan iyo
aqoonsi caalami ah toona.”

Madaxweynaha oo beesha caalamka iyo
Soomaaliyaba la hadlaya waxa uu yidhi
“Waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu
ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka
Midowga Afrika, Midowga Yurub,
Maraykanka, Jaamacadda Carabta,
Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka
ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka
dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-

1) Somaliland waxay ahayd dal gaar
ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June,
1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu
ku biirnay lana midawnay 1-dii July,
dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu
gumaysan jiray.

2) Shacbiga Somaliland waxay si cad
u diideen June, 1961-kii, aftidii loo
qaaday dastuurkii cusbaa ee loo
sameeyey dalkii lagu midoobay ee la
magac baxay Jamhuuriyaddii
Soomaaliya, oo haatan meesha ka
baxday.

3) Muddo yar ka dib, markii
Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen
inay ku hungoobeen midnimadii, waxay
Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada
Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii
inqilaab dhicisoobay, kaas oo
ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo
celiyaan Xornimadii Somaliland ee
luntay.

4) Somaliland rubuc qarnigii u
danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii
kala duwanaa ee dib u heshiisiinta
Soomaaliya marnaba.
Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka
Federaalka yegleesha ah ee ay ku
midoobeen maamul goboleedyada ka jira
Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla
markaana ogolaaday heshiisyada iyo
Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan
tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

5) Somaliland waxay xornimadeedii
la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka
dib markii ay Salaadiinta, Garaadada
iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir
isugu yimaadeen Magaalada Burco
go’aan midaysanna ay ku gaadheen in
madax bannaanidoodii ay dib ula soo
noqdaan.

6) Shacbiga Somaliland waxay bishii
May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97
ku taageereen aftidii loo qaaday
dastuurka cusub ee Jamhuriyadda
Somaliland iyo Qadiyadda Gooni-isu-
taaga dalka.

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in
jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland
aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo
dhalanteed, balse ay tahay mid ka
turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo
go’aanka shacbigani qaatay.

Sidaa darteed, waxaa mudan in la
ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo
rabitaanka Shacbiga Somaliland.”

Gabogabaddii waxa uu hadalkiisa sii
raaciyey “ Waxaan leeyahay marnaba u
dulqaadan mayno cid kasta oo fad-qalale
iyo fara-gelin ku samaysa ciidayada iyo
calankayaga. Xaqa aayo ka tashiga iyo
xuquuqda aasaasiga ah ee dalkayga iyo
dalkayga, iyo Xuduudaha
Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan
waa lama taabtaan aan lagu xad gudbi
karin.”

Mar uu ka hadlayey Wada-hadallada
Somaliland Iyo Soomaaliya, waxa uu
yidhi “ Xukuumadda aan madaxda ka
ahay waxay diyaar u tahay ambaqaadka
iyo sii wadista wada hadallada
Somaliland iyo Soomaaliya. Haddaba, si
looga gun gaadho wada hadallada labada
dal u dhexeeya natiijo wax ku ool ah,
waxaan ku baaqayaa in gogosha la
ballaadhiyo, dalal laysla gartayna ay
goob joog ka noqdaan.

Dhinaca kale, waxaannu soo
dhaweynaynaa dedaallada Beesha
Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya
nabad loogu soo dabbaali lahaa, isla
markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa
dabayaaqada sannadka 2016-ka.
Hasa-yeeshee, waxaannu dunida u
caddaynaynaa in Somaliland tahay dal
madax-bannaan oo aan ka mid ahayn
maamul goboleedyada ku midoobay
Nidaamka Federaalka.

Mar labaad, waxaan ku celinayaa
Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli
karaan shakhsiyaad danaystayaal ah oo
Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo
meel ka dhac qaawan in magaca
qarankayaga loo cimaamado cid aan
shacbiweynaha Somaliland dooran, ama
aanay ceelalyo u diran.”

Madaxweynuhu baaq nabadeed u diray
beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku
dhexmartay deegaanka Dharkeengeeye
ee gobolka Sool, isagoo usoo jeediyey
inay nabadda ilaaliyaan, wax walba ku
dhamaystaan wada xaajood.

Inkastoo xalay laga xusay
madaxtooyadda, haseyeeshee
munaasibadda 26 june ayaan loo
weyneen sida 18 May, waxaana kaliya la
fasaxaa uun shaqaalaha, waxaana
munaasibadda kowaad laga dhigay 18
May oo ah maalintii Somaliland ka go’da
Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com