Khasaaraha Qaraxyadii lagu weerarey Hottel Naasa Hablood oo sii badanaya Dhimasho iyo dhaawacba.

0
580

Ugu yaraan
12-qof ayaa ku Geeriyooday tiro intaas
ka badanna way ku dhaawacmeen,
Qaraxyo Is-miidaamin ah iyo weerar
toos ah oo lagu qaaday gellinkii dambe
ee maanta Hoteelka Naasa Hamblood
One ee Magaalada Muqdisho.

Col. Cali Xasan oo ka tirsan saraakiisha
booliiska Somalia ayaa Warbaahinta u
sheegay in Weerarkan uu ahaa mid
khasaare dhaliyay, isla markaana weli
ay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada
dowladdu ku dagaalamayaan gudaha iyo
daafaha Hoteelka.

“Weerarradan oo isugu jiray Qaraxyo
iyo kuwo toos ah waxaa ku geeriyooday
in ka badan 12-qof, tiro intaas ka
badanna way ku Dhinteen,” ayuu
Sarkaalku u sheegay Wrabaahinta
Qaybaheeda kala duwan.

Al-shabaab ayaa sheegay mas’uuliyadda
weerarkan, iyagoo xusay inuu ahaa mid
qorsheysan, ayna xoogaggoodu ku jiraan
gudaha Hoteelka oo ay Askar ka tisran
ciidamada dowladda Somalia kula
dagaalamayaan.

Goobjoogayaal, ayaa sheegay in
Qaraxyada Hoteelka lala beegsaday ay
aad u cuslaayeen, Waxaana goobtaas
dadka dhaawacyada ah ka qaaday
Gaadiid Gurmadka deg-dega ah oo
gaarsiiyay Isbitaalka Caafimaadka.

Ugu dambeyntii, Lama oga Lhasa a raga
Ramsig ah ee ka dhashay Weerarradaan
oo ahaa kuwo Culus, iyadoo Qaraxyadan
ay burbur xoog leh gaarsiiyeen inta
badan dhismayaasha ku dhaw Hoteelka.