M/weynaha maamul goboleedka J/land Axmed Madoobe oo fariin u direy maamulka Somali land.

0
541

Madaxweeynaha Jubaland oo maanta
dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo
ayaa hambalyo ku aadan 26-ka Juun oo
ku beegan maalinta berito ah u diray
guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar
ahaan dadka degan gobollada waqooyi
ee Soomaaliya.

Axmed Max’ed Islaam ayaa sheegay in
26-ka Juun ay ahayd maalintii calan
Soomaaliyeed laga taagay
Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna
ugu baaqay shacabka reer Soomaaliland
in ay xusaan maalintan weyn.

“Walaalaheen reer Waqooyi, qolyaha
reer Somaliland waxaan leeyahay,
bahasha maalmo danbe oo aan
sameeynay mecno inooma
sameeyneeysee teenii hore aan dib ugu
noqonno, inagoo 60-kii joogno kasoo
qaadno, waayo waayo aan xusuusanno,
xalay dhalay aan ka dhigno, wixii
dhexda soo maray dhanna ha layska
ilaabo,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu ku amaanay shacabka deer
Somaliland in ay kaalin ku lahaayeen
halgankii gobanimadoonka Soomaaliya,
hadana la doono in ay iska ilaabaan wax
walba oo hore u dhacay oo ay soo
nooleeyaan midnimadii Soomaaliweyn.

Somaliland ayaa dadaal ugu jirta sidii at
uga go’i lahayd Soomaaliya, walow ay
soconayaan wadahadallo u dhexeeya
Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaa oo ay
garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.