Tan iyo
darraad waxaa socday boob lagu hayo
hantida ajaaniibta ayna u dheer tahay in
naftooda dadkaa loo weeraraayo dalka
Koofur Afrika.
Soomaali ayaa qeyb ka ah dadka la
dhacaayo oo weeraraduna ay kusocdaan.
Arintaa ayaa kasoo cusboonaatay
Pretoria oo ah magaalo madaxda
dalkaasi Koofur Afrika gaar ahaan
markii darfo kawada tirsan xisbul
xaakimka Koofur Afrika ee ANC ay isku
mari waayeen qofka duqa magaalada
Pretoria ka noqonaaya.
Dukaamo ku dhow 100 ayaa ilaa haatan
oo warbixintaan aan qoreyno la boobay.
Ilaa 5 qof oo Soomaali ah ayaa
dhawaacan mid ka mid ahna uu aad u il
daran yahay isla markaana miyir
daboolmay.
Soomaalida oo qaxooti ku ah dalka
Koofur Afrika ayaa in badan dalkaa dil,
dhaawac iyo dhac loo geysanaayay
sanado badan ayadoo in badan ay
naftoodii kuwayeen kuwo badana ay ku
ceyrtoobeen raadad xunxuna
dhibaatooyinkaa ay ku reebeen.






