Xukuumadda Uganda oo ah tan
ciidamada ugu badan ee ka Tirsan Hawl-
galka Midowga Afrika ee AMISOM ay
kaga sugan yihiin Somalia, ayaa
shaacisay maanta inay ciidamadeeda la
baxayso Sannadka soo socda ee 2017-ka.
Uganda ayaa waxay ahayd dalkii ugu
horreeyay oo ciidammo nabad-ilaalin ah
u soo dira Soomaaliya Sanadkii 2007-dii,
iyadoo sanado kaddib ay kusoo biireen
Ciidammo kale oo Afirkaan ah, kuwaas
oo qaatay magaca AMISOM, si ay ula
dagaalamaan Al-shabaab oo isku
dayaysay inay xukunka ka tuurto
Dowladdii Somalia.
Ciidanka Midowga Afrika ee Somalia ku
sugan [AMISOM] oo ay Tiradoodu ka
badan tahay 22,000 Askari, ayaa 6,200
oo Askari oo ka mid ahi ka Socdaan
dalka Uganda, halka inta kalena – ay ka
kala socdaan Dalalka; Burundi, Jabuuti,
Kenya iyo Itoobiya.
“Waxaanu qorsheynaynaa inaanu
ciidamadeenna kala baxno Somalia laga
billaabo bisha December ee Sannadka
2017-ka,” ayuu yiri Taliyaha Millateriga
Dalka Uganda, Jen. Katumba Wamala oo
Maanta War-fidiyeenka kula hadlayay
magaalada Kampala ee Xarunta
Waddanka Uganda.
Jen. Wamala ayaa intaas ku daray.
“Go’aankaan waa mid ay Uganda si toos
ah u qaadatay, waxaana ku war-gelinnay
xubnaha gacanta siinayay ciidanka
Midowga Afrika ee Somalia ku sugan.”
Hadalka Taliyaha Ciidamada Difaaca
Uganda, ayaa kusoo beegmaya iyadoo
Afhayeenka Millateriga Uganda, Col.
Paddy Ankunda uu bishii lasoo dhaafay
sheegay in dib u eegis lagu Sameynayo
ku lug-lahaanshahooda Hawl-galka
AMISOM ee Soomaaliya.
Inkastoo Jen. Katumba Wamala uusan
sheegin sababaha ay Ciidamadooda ay
uga saarayaan Somalia, ayaa Haddana
wuxuu yiri. “waxaan la joogaa xilligii ay
Ciidamadeennu dib ugu soo laaban
lahaayeen waddankooda.”
Sidoo kale, Go’aanka Uganda ay ku
dhawaaqday inay ciidamadeeda Somalia
uga saarayso, ayaa kusoo beegmaya
iyadoo ururka Midowga Yurub ay
shaaciyeen inay qayb ka mid ah
dhaqaalihii ay siin jireen AMISOM iyo
iyadoo Golaha Ammaanka ee QM ay
dhawaan kordhiyeen Xilliga hawlgalka
AMISOM ee Soomaaliya.
Midowga Yurub, ayaa Bishii Jannaayo ee
Sannadkaan, waxay ku dhawaaqday in
ay lacagihii ay siiso AMISOM ka jarayso
20%, kaddib markii uu ururku dalalka
ay ciidamadan ka socdaan ku eedeeyay
in qaarkood aysan ciidamadooda
Soomaaliya ka hawl-galaya siin
mushaaraadkooda oo dhameystiran.
Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa
go’aanka Midowga Yurub kaddib, waxay
ku goodisay in ay kala baxayso Somalia
3,700 oo Askari oo Somalia uga sugan,
gaar ahaan Gobollada Koonfurta ku
yaalla.
Ugu dambeyntii, Xukuumadda Uganda
ayaa waxay sidan oo kale ugu goodisay
Sanadkii 2012-kii inay soo Ceshanayso
Ciidankeeda Nabad-ilaalinta uga jooga
Waddamada Afrika, Kaddib markii QM
ay ku eedeysay inay gacan siiso
xoogagga mucaaradka ah ee Waddanka
Congo oo ay daris yihiin.
Home Macluumaadka GMDQ & Xisbiyada Dawladda dalka Ugandha oo sheegtey in ciidamadeeda Soomaaliya jooga ay la baxeyso...





